Ma sax baa inay isku milmaan cadow qaran iyo Mucaarad?

bal;axaawo


Su’aashyaan waxaa igu dhaliyey xaalada dalka Soomaaliyeed, dawlada nabad iyo nolol, mucaaradka iyo dawlado cadaw ummdda Soomaaliyeed u muuqda sida dawlada Imaaraadka Carabta iyo dawlada Keenya,oo shacbigu ka wada dheragsan yihiin waxa na dhex yaala.


Waxaan og nahay in dawlada Keenya geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan tahay in ay qaadato qayb ka mid ah biyaha badda Soomaaliya iyo dhulkaba hoos ka daawo shacbiga Beled Xaawo oo derbigii Keenya dhistay dhulka dhigay dhamaantiisna meeshii ka baneyey.


Taas waxaa ka sii daran oo aan soo marnay tan iyo markii la doortay dowlada nabad iyo nolol inta shirqool dawlada Imaraadka u dhigtay si ay u dumiso dowlada Soomaaliya, waxaan caadnaga saarneyn in qaraxyada Xamar ka dhacay abaabulka iyo maalgelinta ay ayada leedahay intaas oo hagardaama ah waxay u adeegsataa kuwa mucaaradka sheeganaaya oo dhagarta shisheeyuhu u diray fuliya haddana ku eedeeya dawlada arimaha noocaas ah(HASHU AYADAA GEELA CUNEYSA AYYADAANA CABAADAYSA).

Mucaarad xishooda(SHAME ON YOU) Ma suuroowdo in aad dhuumataan annaga oo dhabarkiina arkayna aan soo koobee dadka Soomaaliyeed ha qaymeeyeen shirarkii ka dhacay Imaraadka oo loogu yeeray hoggaamiyayaasha Soomaalilaand iyo puntilaand,shacbiga Soomaaliyeed ee goboladaas ku nool indhaha ha fureen oo ha arkeen bohosha loo qodaayo qadiyada ummadda Soomaaliya lagu beecinaayo
wax boors lagu qaato oo aan idin xasuusiyo gumeystihii Ingiriiska iyo
biiriqaatayaashii laaluushka ka qaadanaayey si loo hantiyo geyiga Soomaalida ee ahayd (BERBERA WAX GO LAGU QAATO KA WEYN).


Taas waxaa ka sii daran shirka hadda ka socda Neyroobi,bal anigu sare Ayaan ku sharaxay Keenya waxay ku hawlan tahay ee kuwa ku shiraaya dalkeeda si dawlada Soomaaliyeed loo dhibaateeyo akhristayaal idinku wax ka dhaha Aan ku soo gabagabeeyo la shaqaynta cadawga dalka Soomaaliyeed iyo mucaaradnimada dawlada Soomaliya ma laba isqaban kartaa jawaabtu waa maya.
Wabilaahi Towfiiq,
Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.