Sawiro:Baardheere Dayac Balaaran oo ka muuqda Garoonka Diyaradaha Degmada Bardheere

Mudo kudhaw afar sano ayuu garoonka diyaaradaha ee degmada baardheere shaqaynaayey kadib kolkii alshabaab magaalada laga saaray oo ay ciidamada dawlada soomaaliya ay lawareegeen .

Bollaal diyaaradood oo isugu jira kuwa rakaabka qaada iyo kuwa kala ayaa adeegsanaayey garoonka diyaaradaha mudadaasi uu garoonku shaqaynaayey .

Amaanka garoonka waa mid aad u sareeya oo waxaa gacanta ku haya ciidamada kasocda itoobiya ee kaqaybta ah hawlgalka amisom ee kusugan degmada baardheere.

Diyaaradaha garoonka isticmaala dhamaan waxaa laqa qaadaa canshuur taa oo hadii ay heli lahayd maareyn haboon ay dhici kartay in garoonku uu la tartamo garoonmada kale ee dalka kuyaal balse sawirka hoolka nasiinada garoonka ayaa muujinaya sawir kale oo u baahan dib u habayn lagu sameeyo garoonka

Waxaa jiray dib u dayactir kooban oo lagu sameeyey halka dayuuraduhu ku cararaan kuna soo dagaan taana wax wayn kama tarin baahida garoonka.

Inkastoo maareeyihii hore ee garoonka uu alle oofsaday hadana waxaa la ii sheegay in dhawaan maareeyo cusub loomagaacabay garoonka wallow aan hayn cadayn buuxda balse xaqiiqada ayaa ah in garoonku u baahan yahay dib u habayn balaaran.

1.Dhisida hoolka nasiidana garoonka
2.Dhisida goob kayd ah oo garoonku yeesho loona isticmaalo alaabaha xamuulka ah.
Hadii sidaa la sameeyo waa talaabo horey looqaaday.

Warbixintii Khadar Maxamed Keenadiid

bardhere
bardheere
bardhere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.