Raiisal Wasaare Khayre oo beeniyay in Xukuumadiisa awood u adeegsato

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa been abuur ku tilmaamey in Xukuumadda Soomaaliya ay awood u adeegsato mucaardka aan hubeysneyn ee kasoo horjeeda dowladda soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo Wareysi siiyey Tv-ga Universal ayuu sheegay in amarka dowladnimo uu yahay in markii la doonayo in dhaqaalaha horumarin lagu sameeyo lagana fogaado musuq maasuqa, taasina ay hormuud u tahay la-xisaabtanka dowladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay inay ka soo baxeen isaga & Madaxweynaha balamihii ay ka qaadeen shacabka Somaliyed oo aheyd inay si dhab ah u wada shaqeynayaan, waxaana uu sheegay labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah inay u wada shaqeeyeen isaga & Madaxweynaha.

“Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Somaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay, waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay Somaliya inay ka jirto Saxaafadda xor ah oo madax banaan, sida uu sheegay marka loo eego ama lala bar bar dhigo dunida inteeda kale.

Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu difaacay Xukuumadiisa, haddana waxaa xusid mudan in mucaaradka aan hubaysnayn dowladda awood u adeegsatay, sidoo kalena caburin badan lagu sameeyay Warbaahinta oo xogaha ay ka helaan Xafiisyada Madaxda ay tahay mid kooban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.