Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

bangiga

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Bankiga dhexe ee Somaaliya ayuu maanta xilka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle  iyo Hanti dhowrka guud Qaranka .

Guddoomihii hore ee  Bankiga  Bashiir Ciise oo ka hadlayay  waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi lasoo dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xiligii ugu haboonaa maadaama Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib u kabasho, sido kale wuxuu bogaadiyay guddoomiyaha cusub asigoo uga baryay alle inuu xilka u fududeeyo.

Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Shaqadii usoo qabtay guddoomiye Bashiir waxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono  sidii dalkaan looga gaarsiin lahaa isku filnaasho.

bangiga

Dhinaca kale Gudoomiyaha  Cusub ayaa kullan isbarasho la qaatay qaar kamid ah Shaqalaaha Bankiga dhexe, laguma Sagootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe waxaana guud ahaan lagu bogaadiyay waxqabadkii uu u haayay  ummadda Soomaaliyeed .

Marwo Mayan  Cabdullaahi Gudoomiye  ku-xigeenka Bankiga dhexe  ayaa sheegtay in gacmo furan ay kusoo dhaweynayaan gudoomiyaha shaqaalahana ay yihiin dhalinyaro Xirfad uleh shaqada Bankiga dhexe .

Guddomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa balan qaaday in Shaqo hufnaan leh uu la imaan doono wuxuuna shaqaalaha ku dhiira geliyay in qof kasta si cadaalad ah u shaqeeyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.