Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ee 2018/19

goiodax

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuled ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay ardeyda fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee  Magaalada muqdisho.

Kulanka ayaa Waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed maxamed Axmed Jimcaale iyo Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada uu u dhageysan lahaa Su,aalo weydiinta ardeyda ee ku aadan imtixaanka sanad dugsiyeedka kaas oo dhici doona bisha may oo maalmo kooban ay ka harsantahay  iyo sidii uu  faah faahin uga siin lahaa dadaalka wasaaradda waxbarashada ay ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Feysal Cumar guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada xoogga saareyso sidii loo heli lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxbartay.

Ardeyda fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee  Magaalada muqdisho ayaa wasiir ku- xigeenka weydiiyay Su,aalo ku aadan imtixaanka iyo haddii ay dhacdo in ardaga uu imtixaanka gali wayo sababo caafimaad darteed iyo xirnaashaha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Mudane Feysal Cumar Guuled ayaa ardeyda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay dhammaan goobihii lagu gali lahaa imtixaanaadka sanad dugsiyeedka islamarkana aysan dhici doonin in arday wadada laga xiro.

waxbarsho

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal cumar Guuled ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada marnaba aysan ilaabi doonin horumarka ardayda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada.Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka imtixaanka ardayda Fasaladda 12-aad ee Dugsiga Sare ee Sanadkaan 2018/19, ee galidoono Imitixaanka Shahaadiga ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in la diyaariyay oo mardhow ay ardayda la wadaagi doonto xarumaha imtixaanka ee Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.