Golaha shacabka oo maanta warbixin ka dhageysan doona Guddiga doorashooyinka Qaranka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah shir ku leh xaruntooda, iyadoo xalay lagu wargeliyay Xildhibaanada in maanta uu jiro kulan Golaha shacabka.

Kulanka maanta ayaa warbixin ku saabsan doorashooyinka 2020\2021 waxaa looga dhegeysanayaa  Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah akhrinta 1aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa waddo dardar gelinta ajandayaasha muhiimka uh dalka oo ay Xukuumadu usoo gudbisay, iyagoo tixgelinaya codsigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in ladadejiyo ajandayaasha horyaala Golaha shacabka oo ay Xukuumadu soo meel marisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.