Maraykanka oo Sheegay Hawgal ay ka fuliyeen Puntland inay ku dileen Horjoogayal Shabaab ah

usa

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Maraykanka ayaa lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish, iyadoo Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan Degmada isku shuban oo ka tirsan Gobolka Bari.

Howlka ayaa waxa uu dhacay 14-kii April waxaana uu ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka, iyadoo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda Caalamiga waxay u taagan yihiin mar walba in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku dhuntaan, islamarkaana ay ku nastaan Cadawga.

Dawladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo ah Sharwadayaal u taagan daadinta Dhiigga Shacabka iyo boobka hantidooda.

Haddaba war ka soo baxay Taliska Milateriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay Isniintii shalay inuu qaaday duqeyn lagu bartilmaameedsaday hoggaamiye ku xigeenka Kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Warkaasi ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel ku dhow tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Abdihakim Mohamed Ibraahim oo loo yaqaanay Dhoqob, kaasoo ahaa Hoggaamiye ku xigeenka Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in Ibraahim uu mas’uul ka ahaa howlgalada maalinlaha ah iyo qorsheynta weerarada ay u geysato Kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

Abdihakim Dhoqob ayaa ahaa gacanta midig ee Horjooge C/qaadir Muumin, waxaana uu ka soo muuqday muuqaalo kooxda Daacish baahisay, isagoo ku sugan buuraleyda Gobolka Bari.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland Abdisamad Mogamed Gallan ayaa sheegay in Abdihakim Dhoqob iyo nin la saarnaa gaariga lala beegsaday duqeyn diyaaradeed, inkastoo aan la aqoonsan qofka la saarnaa gaariga Horjoogahaasi.

Howlgalkaasi lagu khaarijiyay Ku xigeenka Madaxa koooxda Argagaxisada Daacish uu la mid yahay kuwa lala beegsado Madaxdii Kooxda Al-shabaab ee uu ka mid ahaa Horjooge sare Axmed Godane, kaasi oo lala beegsaday Duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Darooniska Maraykanka, isaga oo markaasi marayay Waddada isku xirta degmadooyinka Baraawe iyo Jilib.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiye ka ah Horjooge C/qaadir Muumin oo horay uga soo goostay argagixisada Al-Shabaab, waxaana uu bishii October sanadkii 2015 uu la galay bayco Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, iyadoo Duqeymaha ay yihiin kuwo lagu wiiqayo awoodda Kooxaha Argagaxisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.