Kenya oo diiday in Madax furasho laga bixiyo dhaqaatiirtii Cubanka ahaa

mandera

Dowladda Kenya ayaa diiday inay madax furasho ka bixiso sii daynta laba dhaqatar oo u dhashay dalka Cuba oo jimcihii ay Mandheera ka soo Afduubteen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin  Al-shabaab.

Afhayeenka Booliiska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dowladdu ay isku dayi doonto in ay si xirfadeysan ku soo badbaadiso dhaqaatiirta, iyada oo aan bixin lacag.

Waxaa kaloo sheegay afhayeenka inaysan dhiiri gelinan Madax-furasho lagu bixiyo arrin dambi ah, Sababtoo ah taasi waxaa ay dhiiri gelineysaa Afduubashadda, Waxaan adeegsan doonaa hanaan sharci ah inta aan waajibkeena gudan doono,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay .

Sarkaal Booliiska Kenya ka tirsaana ayaa waxaa uu soo dhaweeyay odayaasha Soomaalida ah ee Kenya iyo Soomaalida deegaanka oo isku dayaya in ay Wada hadal la furaan Al-shabaab, si dhaqaatiirta loo sii daayo.

Waxaa uu sheegay wadahadallo kasta ee odayaashu galaan aysan hey’adaha Dowladda ka joojineynin dadaalkooda ay Afduubka dhaqaatiirta wax uga qabanayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.