Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Muqdisho; Isniin, April 15, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diryaaraha Aadan Cabdulle Cusmaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudadii uu safarka shaqo ku joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo mira dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka iyo IMF, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.