Taliyaha Booliiska Somaaliya oo digniin udiray askarta dilka Shacabka banaystay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu raad-joogo askarigii ka dambeeyey falkii shalay, kaasi oo sida uu sheegay ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxey ku raad-joogaan Askarigii falkaasi wuxuushnimada ah gesytay, waxaana hadda xiran taliyihii Aagaasi qaabilsanaa, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiineynaa in Booliska ay kusoo wargeliyaan qofka dilkaan ku eedeysan oo baxsad ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii dhibaato u geysta qof shacab ah uusan heli doonin gabaad, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta ay ku hayaan dad sida uu sheegay qas-wadayaal ah oo ku dhex gambanayey dadkii ka carooday falkii shalay, kuwaasi oo uu sheegay iney u adeegayeen cadowga oo ay boob u gesyteen goobo ganacsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.