Somaliyeey Amniga Muqdisho iyo Guud ahan dalka Ilgaara kuhaya!!!

Gabre

Sow ma ha boona in aan is weydiino xaalku sida uu ku socdo,maxaa isbedelay ama ku soo kordhay dalka dhawrkii bilood ee u danbeeyey,ma is weydiinay  marka laga soo tago cadawga Al Shabaab in uu jiro cadaw kale oo aan qarsoonayn oo af iyo adinba kula dagaalamaya umadda Soomaaliyeed,maahmaah baa ahayd(WAXAASI WAA FARDO OO LAYSUMA QARIYO).Tan iyo markii kabiirkii Macalin korneyl Gabre dalka ku soo laabtay oo la bilaabay abaabulka iyo ololaha aan waqtigoodii la gaarin ee xisbiyada,maxaa ku soo beegay qaraxyo dilal kala duwan iyo xasuuq dadweyne?(DIBAGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMKIYEY)?.

Jawaabta waxaan u deyn akhristayaasha,waxaase ii muuqata in ay jirto wadashayn ka dhexaysa cadawyada kala duwan ee aan kor ku xusay,anniga oo tusaale u soo qaadanaaya arimahaan.

Waxaan idin xasuusin akhristayaal abaabulkii Xisbiga UDP oo lagu sheegay shir tababar lagu siinaayey dhalinyaro u badneyd BAJAAJLAYAASHA,qubadii Kabiirkii Gabre ka akhriyey ee uu faray dhalinyarada( askarta jidadka taagan amar ha ka qaadanina ee wadooyinka xoog ku mara)

-Buunbuuninta markii wax dhacaan haba yaraadaane.

-Bajaajlayaasha askarta aan ka amarqaadaneyn.

-Mudaahiraadyada markiiba dhacaaya oo horey loo sii abaabuley.

-Intaas waxaa dheer askari inta wax dila cararaaya oo mudan in aan wax iska weydiino,anniga rayigayga,askariga tabarbarkiisa waxaa ka mid ah nin uu wax dilo marka uu hayo hawl amni marba noocay doonto ha ahaatee tusaale:-

-Wuxuu wardiye ka yahay xerada ciiddankiisa,wuxuu arkay wax uu u maleyey cadaw(WAA IN UU JOOJIYAA ASAGA OO COD IYO FICIL LA BARAY ISKU DARAAYA,HADDII LAGA DHAGA ADAYGU WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN UU QOF KAAS TOOGTO),Laakiin Meesha kuma jirto in nuu carrao.

-Masiibooyinka aan aragnay ee shacbiga lagu xasuuqaayo askariga jidka u taagan  in uu shacbiga ka badbaadiyo sidoo kale wixii ka dhaga adayga amarka la siiyey oo uu Meesha u joogo qoriga I uu isticmaalo waa u furantahay siyaabo kala duwan sida;-

-Rasaas diginin ah,baabuur hadduu yahay oo lagaha uu ka toogto,qof laga shakiyey ama dhibgeystay oo cararay lugaha waa in uu ka toogtaa oo ka jabiyaa,rasaasta qof waa ku dhiman karaa askariga sharciga fulinaaya,dawlada baana leh xalinteeda,waxaanse Meesha geli Karin oo aan la aqbali Karin qof madxa iyo shafka laga toogtay iyo askarigii waa cararay oo waa fakaday.(ASKARIGAAS AMAR DAWLADEED KUMA SHAQAYN WAA DENBI ABAABULAN OO MEEL KALE LAGA SOO FARSAMEEYEY,QAABKII LOO FAKIN LAHAANA WAA QORSHAYNEYD),Waayo askariga si sharciya wax ku diley sharcigaa difaaca ee sharciga kama carrao.

Ugu denbay bulshada Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa in ay indhaha furaan kooxda aan sare ku xusay waxay hortaagan yihiin wax kasta oo horumar ah iyo tilaabo horay loo qaado waxayna ku hawlan yihiin arimahaan:-

-Colaado dhexmara qabaa,ilka sida ka socota Galmudug iyo Hirshabbeelle.  Gadoodka ciiddamada

-Dilalka iyo qaraxyada xamar qaar ay fududeeyaan iyo kuwo ay fuliyaan.

-Dacaayad lagu foolxumaynaayo tilaaba kasta oo wanaaga oo dawldu qaado.

-Ugu denbayn bal wax ka dheeha ficilda iyo dacaayadaha kuwa mucaaradka sheeganayaa ee kooxdii Korneyl Gabre la daba taagan yihiin deyncafinta.sida shirarkii Xamar ka dhacay iyo kan hadda ka socda Washinton.

Aan ku soo gabagabeeyo aqoonyahanada,Xildhibaanada baarlamaanka oo inta badan aan amaanaayo oo haddii ayyan ahayn kuwa feejigan oo danta dadka iyo dadka difaacaaya waa hore qaranka god lagu ridi lahaa,culumada iyo dhalinyarada waxaan ku guubaabinayaa si wadaniyad iyo Soomalinimo ku dheehan tahay aan difaacno dhaxalka ubadka DANMBE(WAXAASI WAA LAG IDAAD EE YAAN DHEELALAAWO LAGU CUNIN),Runtu waa in aan kharashka IMAARAADKA,QORSHII GABRE KA TEGAY IYO QABYAALAD OO QALBKA DUMINTA DALKA NOQOTAY, MAR KALE DIB NOO CELIN QARANKU WAA SOCDAAYE,Fadlan sheer gareeya(SHARE)

WABILAAHI TOWFIIQ

Liibaan Guulwade.

–   

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.