Dhaqaatiirtii Cubanka ahaa ee kusugnaa Garisa iyo wajeer oo Nairobi u cararay

cuba

Labo maalin kahor bay ahayd markii labo dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba lagu afduubay Magaalada Mandeera ee Dalka Kenya iyagoo lala aaday Dhanka Soomaliya waxaana loo malaynayaa inay afduubteen kooxda Argagixisada Alshaab.

Waxaa kaloo laga Daad gureeyey dhaqaatiirtii kale ee udhashay dalka Cuba ee kusugnaa Magaalooyinka Gaarisa iyo Wajiir arimo amni awgood waxaana loo qaaday Magaalada Nairobi ee caasumada Dalka Kenya.

Dhaqaatiirtaan Cubaanka ayaa waxay ahaayeen dhaqatiir tiradooda ay ahayd 100 dhaqtar oo dowlada Kenya ka keensatay Dalka Cuba si wax looga qabto baahiyada Caafimaadka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.