class="post-template-default single single-post postid-55878 single-format-standard">
Gedo Times

Daawo:Xaflad lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland Eng.Cali ayaa lagu qabtay Columbus Ohio

cali

Jaaliyadda Jubbaland ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo buuxdhaafiyay halka xafladu ka socotay waxayna si weyn uga war sugayeen qudbada Musharaxa iyo halka ay ku wajahantay
Qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin Culumada, Dhalinyarada, Haweenka, Ardada, Odayaasha dhaqanka, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo  dhinacyada jaaliyada ayaa qayb ka ahaa soo dhaweyntan, waxaana hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan dadkii ka hadlay oo ku dhiirogaliyay Musharax Cali Jaamac  dadaalkiisa isbadal doonka ah.
Masuuliyiintii ka hadlay xaflada waxa ay muujiyeen marxaladihi ay goboladda Jubbaland soo mareen, halka ay manta taaganyihin, iyo halka la rabo in ay gaaraan iyaga oo kula dar daarmay musharaxa in uu marwalba u adeego bulshadiisa Guul iyo Guul daraba
 Musharax Eng. Cali Jaamac ayaa waxa uu balan qaaday in uu la imaan doono isbadal dhab ah oo ka hana qaada Jubbaland gaar ahaan arimaha Amaanka, Waxbarasharada, Sara u qaadista dhaqaalaha, dib u heshiisiin, xariirka shacabka, la shaqeynta dowladda dhexe iyo qodobo kale oo muhiim ah

Waxa uu taabtay kalsooni darda ku kala dhex jirta shacabka Jubbland iyo sida loogu kala qoqobay hab Beeleed siyaasadeysan oo aysan jirin kalsooni ay dhamaan ugu qancan musharaxa guulaysta iyaga oo ka eegaya halka uu ka soo jeedo, taasna waxa uu ku tilmaamay Guuldarada siyaasadeed ee Jubbaland oo loo bahanyahay in la abuuro kalsooni shacab
Maamulka iminka Jira waxa uu ku amaanay in ay qabteen howlo baddan isla markaana ay ka gaabiyeen howlo baddan oo kale
Musharaxa ayaa maalmihii u danbeeyay socdaalo kala duwan ku kala bixiyay qaar ka mid ah goboladda dalkan Mareykanka oo u kula kulmay Jaliyadda dibada ee goboladda Jubbland.
Dhawaan ayaana la filayaa in uu dalka dib ugu laabto si uu u sii wato howlihiisa ku aadan ka qeybgalka Doorashada Jubbaland ee 2019

anka iyo wax barashada iyo dhaqaalaha Sara u qaadi doono, wuxuu afka ku dhuftay inuu xooga saari doono arimaha dib u heshiisiinta iyo qodobo kale oo dadka reer jubbaland ee xiliyada adag soo maray ahmiyad u lah.

Please follow and like us:
error

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial