Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha Siyaasadda Mareykanka ayaa looga hadlay dadaallada dib-u-habaynta hay’adda dawladda Soomaaliya iyo sida ay Mareykanka uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay iskula soo hadal qaadeen kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.