class="post-template-default single single-post postid-55816 single-format-standard">
Gedo Times

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Norway

khayre

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta Nowray ayaa looga hadlay isbedellada hay’adaha dolwladda Soomaaliya iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay waddo dawladda Soomaaliya si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Dag-Inge Ulstein ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay degsatay ee ku saleysan baahiyaheeda si loo hir-geliyo dhammaan qorshayaasha dawladda ay ka leedahay dhaqan-gelinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Please follow and like us:
error

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial