duqeyn lagu dilay Hor-joogayaal ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab

diyarad

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay kula beegsadeen maleeshiyada ururka argagixisada al-Shabab, meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose.

War ka soo baxay talis Ciidamada Mareykanka  Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay tuulo la yirahdo Garowle, 11-kii bishan, isla markaana ay ku dileen laba ka mid ah maleeshiyada argagixisada.

Qoraalka Mareykanka ayaa lagu yiri “dadaalada sii socda iyo duqeeymaha lagu wiiqayo al-shabab waxey qeyb ka yihiin Istaraatiijiyadda Mareykanka uu ku taageerayo hiigsiga Soomaaliya leh,horumar dhaqaale, dowlad wanaag iyo hey’ado military oo xooggan.

“Waxaanu sii wadeynaa duqeeymaha aan la beegsaneyno qeybaha kala duwan ee hogaanka al-shabab. Duqeymahan suggan waxey qeyb ka qaadanayaa burburka hogaanka al-shabab, sidaasidan waxaa qoraalka AFRICOM ka soo baxay ku sheegay Maj. Gen. Gregg Olson, oo ah madaxa howlgaladda ee AFRICOM.

Talaadadii ayey aheyd sidan oo kale markii Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka geysteen meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo ay ku dileen mid ka mid ah maleeshiyadii bartilmaameedku ahaa ee al-Shabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.