Puntland Maxaa iska Badalay Shalay iyo Maanta???

puntland

Waxaa laga yaabaa in dad badan ay is weydiiyaan su’aasha waxa aan ula jeedo laakiin akhristayaal ha deg degina idinka oo aan gaarin dulucda halka aan ku soo hoorin  doono oo ay iigu muuqatay in Puntlandtii maanta aysan ahayn tii shalay ee ay gadaal u laabatay si lama filaan ah magacii ay ku lahayd Soomaaliya iyo geeska Afrikana lumisay.

Sawirka ii soo baxay buntilaandhidii shalay aan wax ka iraahdo si kooban;-

1-marka ugu horeysa waa sida magaca Puntland ku baxaye waxay ahayd meeshii ilbaxnimada xiriirka dibada iyo ganacsiga dunida kale iyo Soomaaliya ka bilaabantay,gaar ahaan Carabta iyo Hindida, waana sida magacaas dhulka Soomaalida loo siiyey maadaama laga dhoofin jirey Meydiga iyo Beeyada micnihiisuna ahaa dhulkii uduga.

2-Marka kale ninkii u horeeyey ee ku fakara afka soomaaligu in uu yeesho far lagu qoro  ayaa ka soo jeeday oo xuruufta laatiinka ah farta lagu jaangooyey ee ah SHIBANAYAASHA IYO SHAQALADA ASAGU LAHAA OO MID UU ASAGU MASKAXDA KA KEENAY UNA CUNTANTAY IN AFKA LAGU QORO BAA KA SOO JEEDAY ,WAXAANA XUSUUSIN LAHAA UMMADDA SOOMAALIYEED IN FARTAAS INTA AYSAN DHUMIN DADBADAN OO YAQAANA OO ANIGU AAN KA MID AHAY BAA WELI NOOL EE HALAGU KAYDIYO MEELAHA LAGU XAFIDO TAARIIKHAHA SOOMALIDA.

3-Xeerkii iyo barnaamidkii SYL ee qabyaalada Soomaali ka suuliyey isaguna geeyey in ay wada noqdaan gobonimadoon ninkii sameeyey baa ka soo jeeday goboladaas.

4-Waxaa ka soo jeeday ninkii naqshada calanka buluuga ah ee Soomaaliweyn astaanta u ah sameeyey.

Intaas markaan dib u milicsaday iyo Meesha ay manta mareyso runtii waan liqi waayey qarnigaan 21aad kuwa hormoodka Alle uga dhigay oo qarka u saran sida Soomaalilaand in ay Soomaalinimada ka baxaan oo magac kale la baxaan.

Bal ila eega shalay kii hogaaminayey ee yiri Soomaaliya Xamar maaha Xamarna Soomaaliya maaha(WALAAL KAYAGA RUNTAANA WAA IMAARAADKA, DAWLADA Soomaaliyana XIRIIRKA WAAN U JARNAY).

Isbedelkii dhacay waxaa la filaayey in uu noqdo qadafka C/weli ee sare ku xusan mid mayra ,mase dhicin oo wax uu qabto wuxuu u hormariyey in uu mar kale ku dhawaaqo in Buntilaand ayyan lahaan walaal aan imaaradka ahayn, waana u dhoofay safarkiisii u horeeyey asaga oo caasimadii Muqdishow soo booqan haddaba akhristayaasha bal ayada oo aan la socono faalooyinka dawladaha, qaramada midoobay iyo hayadaha caalamigaa ka qoreen Imaaraadka halista iyo godka hadimo ee soomaaliya u maleegaayo iyo aqliga odaayaasha ka soo baxay bal qaymeeya, Tan kale ma moodaa anaga oo og waxa anaga iyo Imaaraadka noo dhexeeya in Puntland ku sii siqayso in ay noqoto gobol ka  mid ah Imaraadka.

Aan soo gabagabeeyee shacbiga, waxgaradka iyo aqoonyahanada Puntland waxaan u soo jeedinayaa taariikhda quruxda badan ee aan sare ku xusay nin ay deeqdo wax yar oo boorso loogu rido iyo maanta guryo dhiso yuu idinka madoobayn hadalkana aan ku dhameeyo (DIB HA U LAABANINA DABOOL YAAN DAM LAGU SIIN TAARIIKH DARUUR KA CAD).

WABILAAHI,TOWFIIQ.

JIMCAALE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.