Daawo:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Maamulaha USAID Oo Ku Kulmay Washington

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan-tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii ballaariyo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.