Sawiro:Ra’iisalwasaare Khayre oo ku Mashquulsan sidii Soomaliya Daynta looga Cafin lahaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maal mahaan ku sugnaa magalaada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa kulan balaaran la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka Cristine Lagarde.

Labada masuul ayaa kulan kooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in soomaliya ay hesho fursadda deyn cafinta.

khayre

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Hassan Cali Qeyre ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kula kulmay la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka John Bolton,Mr Bolton ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya horumaradda ay ka gaartay hagaajinta maaliyada isagoo sheegay in ay dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Wafdiga ra’iisulwasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliya,Qorsheynta,Gudooiyaha Bangiga dhexe,Hanti dhowrka Qaran iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sanadeedka Guga oo ah mid ay si wada jir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

khayre

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo  ka warramay kulamadda ay galeen Iyo waxyaabihii kasoo baxay ayaa sheegay in dhamaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii laga rabay in ay hesho deyn cafin,dhawaana la filayo in go,aano laga soo Saaro.

Kulamada uu ra’isul Wasaaraha iyo wefdigiisu la yeelanayo madaxda ka qeyb galaysa shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana rajo weyn laga qabaa in guulo wax ku ool ah laga gaaro dadaalada socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.