Daawo:Askar Tababaro kusoo qaatay Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliye Ku-xiggeenka XDS ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutub ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo tababaro culus kusoo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey.

Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ayaa Tababarka ay kusoo qaateen Turkiga waxuu  socday Muddo Sanad ah, waxaana muddadaasi la baray Habka dagaalka iyo Xirfadaha kala duwan ee Ciidanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.