Daawo:36 Jir HIV qaba ayaa Gaalkacyo ku Kufsaday Gabar 6 Jir Ah kaas oo Dil Lagu Xukumay

Maxkamadda Derajada koowaad ee Gobolka Mudug, ayaa Dil Toogasho ah ku xukuntay Nin 36 Jir ah oo lagu eedeeyay inuu kufsaday isla-markaana xanuunka HIV/Aids qaadsiiyey Gabadh yar oo Lix jir ah.

Garsooraha Maxkamadda Derajada koowaad ee Gobolka Mudug, Muxyaddiin Cabdiqaadir Maxamuud oo dhegaysiga dacwaddaasi ka dib, ku dhawaaqay Xukunka maxkamaddu soo saartay ayaa yiri “Maanta waxa Maxkamadda la horkeenay eedaysane Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo Kufsi u geystay dhibbane Farax Jaamac Faarax, Maxkamadda Derajada koowaad ee Gaalkacayo waxay ku xukuntay Dil toogasho ah iyo 5000 dollar oo ay u xukuntay dhibbanaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.