class="post-template-default single single-post postid-55657 single-format-standard">
Gedo Times

Midowga Boostada Adduunka (UPU)  oo laga codsaday inay Somaliya ka qaadaan Xayiraada

Wasiir

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faa’iideysan karaan.

Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno “Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga go’an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee arrimaha boostada.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.