Wakiilka Cusub ee Hay’ada Caafimaadka aduunka ayaa Muqdisho soo gaaray

Wasiir

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa shalay Muqdisho ku soo dhawaysay wakiilka cusub ee hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Dr Malik Mamunur iyo Wasiirka caafimaadka dalka Dr’s Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa ka wada hadlay sii xoojinta mashaariicda caafimaad ee WHO ka wado Soomaaliya, kuwaas oo lagu tayeynayo adeega caafimaadka bulshada.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO waxay in muddo ah kala shaqaynaysay dawladda Soomaaliya dib u kabashada adeegga caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya Dr Fawziya Abikar Nur ayaa sidoo kale kulan isbarasho iyo soo dhoweyn ah la qaadatay wakiilka cusub ee UNFPA u soo magacwday Soomaaliya, Mr. Anders Thomsen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.