Xildhibaan Fowsiya oo xaalkeedu yahay labo daran Mid dooro.

fowsiya

Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo katirsan Barlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Xildhibaan Fowsiya ayaa waxay caan ka noqotay baraha Bulshada markii uu socday mooshinka lagu riday gudoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Soomaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayadoo u qaabilsanayd Xildhibaanada taageersan Jawaari dhinaca Aflagaadada iyo Hanjabaadaha.

Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa waxaa soo wajahaya Culays kaga imaanaya Dhinaca bulshada Soomaliyeed iyo Xildhibanada Tirada yar ee Mucaaradaka ah waxaana la filayaa inay Go’aan adag qaadato intaysan xilka wasiir nimada la wareegin kaas oo ah inay iska casisho xilka wasiir nimo iyo inay Raali galin ka bixiso fowdadii ay kula kacday Madaxda qaranka iyo bulshada Soomaliyeed.

Qaar kamida Xildhibanada Dowlada federaalka ah ee Soomaliya ayaa waxay Warbaahinta Gedotimes u sheegeen inay Xildhibaan Fowsiya ay xilka wasiirnimada la wareegi doonto ayadoo raali galin ka bixin qaladaadkeedii hore.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.