Guddoomiyaha Aqalka sare oo shirka Baarlamaanada Aduunka uga qeyb galay dalka Qadar

aqalka sarre

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ay ka qayb galayaan shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka, kaas oo haatan si habsami leh uga socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkan 140-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka waxaa guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar,waxaana shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.