Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas ayaa maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.