Ciidamada Amniga oo qabtay mid kamida raga baaburta qaraxyada ku xira

ciidan

Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bushan Apriil ayaa lagu soo qabtay Hawlwadeen argaggixiso ,kaas oo ahaa mid argaggixisada u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto.

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada dhagar-qabahan.

Waa qayb ka mid ah dadaalka Naf badbaadinta ah ee Ciidamadu ay ku baacsanayaan dhagarqabayaasha utaagan daadinta dhiigga Shacabka.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal baaxad leh oo guri iyo geedba looga raadinayo argaggixisada Al-Shabaab iyo xulufadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.