Magaalada Baardheere oo laga hirgaliyey Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xaafiis ka furatAy magaalada Baar-dheere ee gobolka Gedo si bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ay u helaan adeegyada aas aasiga ah oo ay u baahanyihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Al-qadi iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Howlaha ee HSJ Mudane Haashim Axmed Cabaas ayaa xaragga ka jarey xaafiiska HSJ ee degmada Baardheere ee Gobolka Gado.

Xaafiiskaan oo ah kii 4aad oo ay hay’addu ka hirgelisey gobolka Gedo ayaa bixin doonaa dhammaan adeegyada ay bixiso HSJ, waxaana si weyn u soo dhoweeyey  Bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere.

Dhawaanahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah oo bulshada Soomaaliyeed ay uga fadhiyeen Hay’adda.

Waxaa lagu guuleystay in Hay’addu ay xafiisyo ka furato gobolada dalka,iyadoo sidoo kale kuguuleystay in dadal badan oo caalamka ka mid ah ay aqoonsadaan adeegyada Baasboor ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.