Daawo:Xildhibaan Xuseen Carab oo ku hanjabay iney isaga baxayaan Baarlamaank

xuseen

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka ayaa ku hanjabay inay isaga baxayaan dowladda Soomaaliya haddii aan xal loo helin arrinta Somalia iyo Somaliland waana in lagu soo daraa Dastuurka Soomaliya ee qabyada ah.

Hadalkan ayuu ka jeediyey fadhigii Baarlamaanka ee maanta isagoo sheegay dastuurka lagu soo bandhigay fadhiga Barlamanka ma Dastuur Soomaliyeed baa mise waa mid koonfureed.

Xildhibaan Xuseen Carab ayaa waxuu kaloo sheegay markii laga hadlayo arimaha maamul goboleedyada in loo diro Xildhibaanada kasoo jeeda maamul goboleedkaas balse Xildhibanada kasoo jeeda waqooyiga waa lagarab maraa.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xildhibaanada kasoo jeeda degaanada Somaliland aysan ahayn shaqo-doon, balse ay u yimaadeen midaynta labada Gobal hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa.

“Xamar uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada Gobal haddii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonnaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.