Daawo:Ganacsatada Islii oo Banan baxwayn sameeyey goobihii Ganacsigana xiray

islii

Guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii ayaa ku dhawaaqay mudaaharaad saddex maalmood soconaya oo ay uga cabanayaan canshuurta ay dawladdu kordhisay.

Guddiga shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay xad dhaaf ah u kordhisay canshuurta labadii sano ee u dambaysay.

Guddiga ayaa sheegay in koonteenar 8,000 oo doolar lagu canshuuri jiray hadda laga dhigay 120,000 oo doolar.

“Marka ay dawladdu go’aankaas qaadanayso in ay nagala tashato ayay ahayd,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

“Labadii sano ka hor 9 dal ayaa naga adeegan jiray, faa’iidada dhaqaale ee arrintaas ayaana laga dareemay huteellada, makhaayadaha iyo meelo kale shaqo abuur ayaana laga helay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.