Warbixin Kooban Safarkaygii Gobalka Gedo Q4 W/Q Ibraahim Shire

ibraahim

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. 
Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. 
Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka ugu yar ee daawado waa wadaaddada iyo waayeelka.
Waxaa sidoo kale dhisan sagaal kooxood oo heerka hoose ah (junior). Kooxahaan waxay u dhisanyihiin caruur da’ ahaan yar. Laakiin si wanaagsan ayaa loo agaasimaa oo is reereeb ayay leeyihiin inkastoo aysan abaalmarin u taal jirin. Buuq iyo dagaal iyo bannad kama dhaco. Labada kooxood ee maalinlaas cayaarayo mooyee inta kale waa daawadayaal.
Saallaxa ayaa isna jiro oo ah goob xiran oo la dhigay caws artifishal ah. Sallaxa waaxaa ku cayaari karo tiro yar inta badanna waxaa loo isticmaalaa almiito. Sidoo kale waxaa ku cayaaro jilib culayska ka cuslaaday inay garoonka caruurta la galaan. Sallauxu wuxuu leeyahay leyr ilaa tobanka fiidnimo ayaana lagu cayaaraa. Ganacsatada iyo dadka maalinti aan waqti hayn cishaha ka dib ayay is ballansadaan oo ay yara boodboodaan. 
Howsha sidaan u qurux badan iskama imaan ee dadaal iyo waqti badan ayaa la galiyay. Waxaa u taagan guddiga isboortiska dagmada oo ah mid doorasho ku yimid si joogta ahna loogu tartamo xilalkiisa. Guddigaan wuxuu ka koobanyahay 7 xubnood. Doorasho sanadle ah ayaa la qabtaa. Inta badan xubnuhu waa dhacaan oo kuwa cusub ayaa la doortaa. Dhowrki sano ee lasoo dhaafay si wacan ayay ku dhammaatay oo uusan dhiig ku daadan. dhiigga waxaan u xusayaa Afrikaan doorasho galay oo ugu yaraan daqar uusan ka dhicin waa tuke cad. 
Guddigaan shaqadiisu waa agaasimidda iyo korjoogtaynta cayaaraha. Iyagaa dajiyo shuruucda iyo nimaadka ciyaaruhu u dhacayaan. Iyagaa ka masuul ah abaalmarinta iyo keenniddeeda. Abaalmarintu waa mid ka timaaddo bulshada. Macnaha lacagta la dhigayo waa mid baladka dadka daggan laga qaado. Waxaa la filan karaa soomaalida diyaar u ah inay cayaaro lacag ku bixiso yaraanteeda. Saas oo ay tahay marna ma baaqan oo sidii loo billaabay waa la joogteeyay. Arrintaasi waxay tusaysaa howlkarnimada maamulka iyo muhiimmada ay leedeehay doorashadu. 
Haddii uu waxqabadka maamulku xumaado sanadka ka dib waa la tuuri sidaas, sida aan isleeyahay, baa sababtay in hadba qofki xilkaasi haya uusan fadhiisan ilaa uu howlaha joogtada looga rabo uu meel soo saaro. Ciyaaraha sidaasi loogu foogganyahay waalidiinta, culimda iyo bahda waxbarashadu dagaal ba’an ayay kula jiraan. Inshallah si gooni ah ayaan arrintaas ooga hadli doonaa. 
Meelo kale oo waxaa jiro ay dhalintu isu taagtay sida sixada dad weynaha. Koox dhalinyaro ah, tusaale ahaan, oo waxaa jirto isu xilqaantay inay la socdaan waqtiga dhicidda cuntooyinka suuqa lagu gado. Inteey howshaan wadeen waxaa yaraaday raashinka dhacay ee iskafaallooyinka saarnaan jiray. Mid awal ugu wacnayd ayaa ahayd in ganacsatadu inteeda badan aysanba eegi jirin cimriga raashinka ay soo iibsanayaan. Mararka qaar bariis waa hore dhacay ayay gawaari kasoo buuxsan jireen iyagoonba ogayn. Laakiin sidii baraarujintaan loo billaabay iska fiirin ayaa billaabatay caddadka raashin dhacsan ee suuqa yaallana hoos ayuu aad ugu dhacay.
Sidoo kale, dhalintu waxay isku xilqaameen ilaalinta nadaafadda dagmada. Waxaa furan labo shirkadood oo ka shaqayso aruurinta qashinka waddooyinka iyo guryaha illinkooda lagu qubo. Shirakadahaan, sida la ii sheegay, dadka ayay lacag ka qaadaan howsha lagu qabto. Tuhun iyo qandaraas baa ku jirana sidi caaddau ahayd waa yeeraysay.
Dhinacyada adeegyada ee magaalada anfacay waxaa ka mid ah biyaha iyo korontada. Inshallah labadaas ayaan ku eegi doonnaa qormada xigta.
Ibrahim Aden Shireishire86@gmail.comkala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.