Maxaa lagu til maami karaa Arimaha kasocda Muqdisho

jimcaale

Waxaa wayadaan dhegaha dadka ka batay ,qarax,dilal qorshaysan iyo toogasho askari geysto oo la yiraahdo waa baxsaday,intaas waxaa dhinac socota kuwo xildhibaano sheeganaaya oo aad moodid in ay meel kastoo dhibaato ka dhacdo loo qaybiyey in ay dabkii kacaba badrool ku shubaan,waxaan ayyaguna bad yar shiddeyn siyaasiyiin gudaha iyo dibada jooga oo aan afka isku dareyn oo bartilmaameed koodu yahay in ay dumiyaan nidaamka hadda shaqaynaaya oo in kasta oo xaaladahaas aad ka u murugsan oo khataraha badan ku dhex shaqaynayaan aan is leeyahay waxay qabteen wax  badan oo ay ku gaareen karti iyo adkeysi.

Haddaba waxaan jeclahay in aan shacbiga Soomaalida ah la wadaago in cadawga dalka  oo mar kasta adeegsanaya mid gudaha dalka jooga oo anaga mid ah, in ka badan afartan (40) sano u tafa xaydnayeen  baabi’inta qaranka Soomaliya jiritaankiisa,Meesha nala gaarsiiyey waa meel halis ah oo aad iyo aad khatar u ah,waxaana fududeeyey dhadhamaraacayaal dan mooday maanta maxaan jeebka k u qaadan karaa oo aan wax kale ka naxay,bal aan xuso arimahaan;-

-Burburintii dalka sodon (30) ka hor.

-Abaabulkii dagaal oogayaasha.

-Abuurida Koox diimeedyada.

-isku dirka qabaai,ilada.

-Federaalka aqyaaladeysan oo naloo kala qabkiyey.

-In aan Muqdishow iyo dalka intiisa kale wada shaqayn ee la kala ilaaliyo.

Ugu denbayn (HASHU AYADAA GEELA CUNEYSA AYADAANA CABAADAYSA},Soomaliyee kuwa cadaygau adeegayaa oo shisheeyaha gunada uga qaata, Diinta iyo dalka baabi,intiisa loo adeegsado,oo dalkooda,dadkooda iyo diintooda shilinka ka doorbiday ka tashada oo iska qabta,waxaana aniga oo  waxay ahaayeen marxalado hadba midba mar nala ku fuliyey waxaana mar kasta naloo soo marayey arxanlaawayaasha dhuuniraacyada ah oo dadka ka qaylada badan kana oradka dheer,tusaale waxa hadda socda;-

-Shirkii beesha caalamka,bangiga adduunka iyo IMF xamar ku qabteen ee u denbeeyey ee dawlada lagula xisaabtamay,luguna dhawaaqay in aad caqabadihii deyn cafinta ka gudubteen,waxaa la daba dhigay (BEEN ABUURKII GUDIGA MAALIYADA GOALAHA SHACBIGA IYO MOOSHINKII FASHILMAY EE MADAXWEYNAHA}.

-Hadda waxaa carada mareykanka looga yeeray dawladaha  deynta ku leh Soomaaliya ,bangiga adduunka,IMF,iyo dawlada Soomaaliya oo deynta  laga c afinaayo,waxaa qaraxyada isdfhaba jooga ah,dilalka ,kicinta dadwetnaha,qaylada goalaha shacbiga iyo abaabulada mooshinka ku soo beegay mar kale.

Sidaas ageed dadka Soomaaliyeed ha ogaadeen in aan cadwgu wax guula u ogolayn dalkeena iyo dadkeena,waxa u adeegayaana yihiin cadawga gudaha jooga oo diirka n ooga eg.

Wabilaahi Towfiiq,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.