Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka wakiil Ah Madaxwayne Farnaajo ayaa Furay Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka ah madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu uga hadlay dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga qaranka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka , qaan-gaarsiinta federaalaynta, bixinta adeeegyada bulshada, la dagaalanka argagaxisada, qorshaha sugidda amniga caasimadda

Amniga

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaaa khudbaddiisa ku sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, in la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka, in lagu guulaystay tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in dawladdu ku haminayso in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro argagaxisada, in dawladdu ay dib ula wareeegtay xaruma markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in iyada oo ciidanka xooga daku baacsanayaan nabad-diidka, hadana mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta.

Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayr ayaa xusay in dawladdu kor u qaaday dakhliga gudaha kasoo xarooda, hagaajisay maamulka maaliyadda, samaysay Miisaaniyad isu dheelli tiran, ku guulaysatay in aan dayn dheeraad ah aysan qaadan, in dib u habayn lagu sameeyay hannaanka aruurinta canshuurta, in Qarashaadka dawladda laga bixiyo hal meel iyo dawladdu ay soo buuxisay dhammaaan shuruudihii cafinta daymaha mar dhawna ay dawladdu saxiixayso heshiiskii ugu dambeeyay ee daynta looga cafin lahaa, uuna rajaynayo in Dayn cafis hor-dhac ah Soomaaliya loo sameeyo ugu dambayn bilaawga sannadka 2020.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo hufnanta dawladdu ay keeneen in la aamino, Midawga Yurub iyo Bankiga adduunkuna ay siiyaan lacago toos loogu shubayo qasnadda dawladda.

Qaan Gaarsiinta Federaalaynta

Ra’iisul Wasaraha XFS ayaa sheegay in dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyeen hannaanka doorasho iyo deegaan doorasho iyo qaybsiga kheyraadka, in dawladdu diyaariyay dhammaan Xulashooyinka qodobada dastuurka ku jira ee lagala xaajoonayo dawlad gobaleedyada oo ay kamid yihiin Hannaanka cadaalada iyo asluubta, Qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo astaynta awooda dawladda, Hanaanaka dawladeed ee jamhuuriyadda, qaabaynta iyo qaan gaarsiinta dawlad gobaleedyada kumeel gaarka ah iyo Maqaabka magaalada Muqdisho ee ku yeelanayso federaalka.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumaddu diyaarisay Hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo dib-u-eegis lagu sameeyay, dhawaanna la hor gaynayo baarlamaanka , waxa uuna baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka hor-yaalla oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka, nabadaynta iyo geedi socodka federaalaynta.

Bixinta adeegyada bulshada

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladdu la wareegtay iskuulaad iyo isbitaallo ay horay gacanta ugu haayeen shaqsiyaad ama hay’ado gaar loo leeyahay, ayna billaawday in ay bixiso adeegyo waxbarasho iyo caafimaad, iyo in la helay dhaqaale lagu dhiso wadooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye lana dhisayo dhawaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.