Sawiro:Wasiir Goodax oo Baydhabo kula kulmay Madaxwayne Lafta Gareen

goodax

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo uga qeyb galayo shirka wadatashiga ee Wasaaraddaha Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhammeystiran.

“Maanta waxaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo aan uga qeyb gali doono shirka wadatashiga ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda,Hiddaha  iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaa diirada ku saari doonaa  horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaa  madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galintii shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  iyo  kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka”ayuu intaasi ku daray Mudane Goodax.

Shirkan ka furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doona muddo afar maalmood ah kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha waxbarashada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.