Maqaal : Doorasho qof & cod ah ma qabsoomi karta, hanaan doorasho nooce ah baala la filan kara? W/Q Ibrahim Abdishakur Mire

ibrahim

1. Doorasho qof & cod ah ma qabsoomi karta :

Daraasadda & qiimeynta aan sameeyay kadib waxaa iiso shaac-baxday in doorasho dadweyne aaysan xiligaan saamaxeyn marki aan garwaaqsaday muddo xileedka harsan iyo qodobbada soo socoto: A) Amniga – Sida muuqato amniga dalka habacsanaan weyn ayaa ka jirto. Magaaloyinka, degmooyinka & tuuloyinka dalka iskuma furno, si xor ahna looguma kala socon karo. 25% dhulka Jamhuriyada waxaa ka taliyaan xarakada Al Shabab, halka qiyaasti 25% kale aay maamulan maamulka gooni isutagga ee Somaliland. Waxa aay ka dhigan tahay in 50% dalka aan laga qaban karin doorasho dadweyne. b) Tirakoob dadweyne – Marki dal aay ka qabsoomeyso doorasho dadweyne waxa tirakoob lagu sameeya shacabka wadankaasi ku nool. Tirakoob in la sameeyo waxa ku baxdo dhaqaalo aad u fara badan. Tusaale Dowlada aan dariska nahay ee Kiinya, waxa tirakoob dalka aay ka fulisay sanadki 2018ki ugaga baxday $178 million. Dowlada Soomaliya dhaqaalahas ma awoodi karta iyada oo miisaniyad sanaded-keedu uu yahay $340 million . Nidaamka doorashada ayaa ah markii tirakoobka soo idlaado, in cod bixiyasha loo jaro kaararka codeeynta sanad iyo bar kahor. Talabadaasi lama qaadin mana muuqato saasan-teeda. c) Agabka doorashoyinka – Doorashoyinka qarniga 21aad aya aad loo casriyeeyay waxaana la istacmala teknolojiyad aad casri u ah. Agabkaasi ayaa dhaqaale badan ku baxda. Dhaqaalaha ka sakoow waxaa laba sanno kahor lasii hawlgaliyaa shaqaalaha guddiga doorashoyinka iyaga oo lasiiyo tababar, maadama system-ka istacmaal-kiisu uu adag yahay. Masuuliyinta GMDQ oo hadal heeyso soo gaditaan-keeda lama arag iskabada tababar! 2. Hadaba hanaan doorasho nooce ah ayaa la filan kara mar hadii la saadalinayo in aaysan qabsoomi karin One Man One Vote? Ra’yigeyga waxaa furan sedex qaab : A) Nidaamki 2017 – Marjica koowad oo furan ayaa ah in dib loogu noqdo nidaamki doorasho ee Madaxweyne Farmaajo lagu doortay. Taasi oo aheyd in 51 ergo aay soo doortan Xildhibanada Gollaha Shacabka, Xarumaha Dowlad Goboledyada aay ka qabsoonto doorashoyinka, kadibna aay Madaxweynaha doortan. b. Nidaamki 2017 oo lasii adkeeyay – Tani ayaa ah in ergada halki aay 51 ka ahaayen la kordhiyo lana gaarsiyo 200 oo ergo. Talabadaani ayaa ka dhigan in musuq-maasuqa uu yaraan doono iyado la micno ah doorasho hufan. Waxa kalo raacsan, halkii marki hore caasimadaha Dowlad Goboledyada oo qudha Xildhibanada lagaso dooran jiray, in la gaarsiyo degmooyinka xorta ah, waa tilaabo horusocod ah. c. Muddo kororsi – Xalka ugu dambeeyo oo aay qabaan in badan oo kamid ah quburro Soomaliyeed & Beesha Caalamka ayaa ah in muddo-xileedka loogu daro Hay’adaha Dowlada (Madaxweynaha & Baarlamanka). Dadka fikirkaan qabaan ayaa ku doodayan Dowlad walba iyada oo aan helin fursad & waqti aay doorasho ku qabato, in waqtiga uu ku dhamaado. Sidaas aawgeed Dowlada hada xilka hayso muddo laba sanno ah loogu daro si dalka aay u gaarsiso doorasho qof & cod ah. Isku soo wada duubo waxa la filaya shirka soo socdo oo aay yeelan doonan Madaxda Dowlada Federalka & Madaxda Dowlad Goboledyada lagu go’an gaari doono hanaanka doorasho ee la qaadan doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.