Daawo:Gudoomiye Yariisow Waxaa bilowday howlgalo lagu sugayo amniga Caasimadda

yariisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirar maalmahan ay kula jireen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in la xoojiyo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iney bilowdeen howlgalo ay ciidamada amniga ka wadaan caasimadda Muqdisho,kaasi oo lagu xaqiijianayo ammaanka magaalada,wuxuuna shacabka Gobolka Banaadir ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amniga una fududeeyaan, maadama guri guri xaafadaha loo baarayo.

“Waan dareemi karnaa culeysyo ka imaan kara haddii howlgalo la qaadayo oo guryihii la baarayo oo xaafadii la tagayo,taasna waxaan rabaa culeysyadaasi jira in dulqaad la muujiyo,anaga haddan maamulkii nahayna sidii shacabka loogu adeegi lahaa waxaan diyaarinay basas iyo Aambalansi iyo wax allaale iyo wixii lagu taageeri lahaa shacabka gaar ahaan shacabkeenna tabaaleysan oo goobaha uu ka socda howlgalada saameyn ku yeelato,” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Sidoo kale,Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka Nugul sida Bukaanada,carruurta iyo waayeelada loo diyaariyay gaadiid lagu geeyo goobaha ay u baahan yihiin haddii ay saameyn ku yeeshaan xirnaashaha wadooyinka magaalada.

Ugu dambeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku ammaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sida ay mar walba ay u daneynayaan in shacabka loo dhimriyo loo naxo lagana difaaco dhibaatada soo gaareysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.