Shiiq Shaakir iyo Xaaf oo Galmudug Hog kusii riday

xaaf

Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu dhisay qaylo iyo Orod waana tan kaliftay inuu burburo hanaankii guud ee maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa ah maamulka kaliya ee Magac mooye nidaam iyo kala dambayn kajirin waxaana Curyaamiyey Qilaaf iyo Hogaan xumo. waxaana uga sii diray Madaxda ugu sareysa Galmudug kuwaas oo isku qilaafsan habka loo maamulayo Galmudug iyo sida loo kala badsanayo dhaqaalaha soo gala.

Qilaafkaas curyaamiyey Galmudug ayaa waxuu kalifay in Madaxda ugu sareysa Galmudug in loo diido inay tagaan deegano kamida Galmudug, waxaa kaloo istaagay dhaqaalihii yaraa ee soo gali jiray Galmudug kaas oo ka imaanayey Dowlada federaalka ah iyo Hay’adaha kala duwan ee deeqaha baxsha.

Waxaa kaloo dhawaan ka dhici doonta Galmudug doorashada Madaxwaynaha iyo Barlamaanka Galmudug taas oo ay kasoo horjeesteen Shiiq Shaakir iyo xaaf.

Xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda Galmudug ayaa waxay iska indho tireen fashilka iyo horumar la’aanta ku timid Maamulka Galmudug taas oo keentay inay Galmudug noqoto Magac aan nacfi lahayn.

Madaxda Dowlada federaalka ayaa waxay kasoo jeedaan deegaanada Galmudug ayakuna waxay luga jiid ka yihiin sidii ay talaabada ku haboon uga qaadan lahaayeen Maamulkaan Galmudug ee fashilmay.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.