Akhriso:Galmudug oo ku dhawaaqday xiliga doorashada Madaxwaynaha iyo barlamaanka dhacaayaan

Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxay ka hadleen xiliga doorashada Galmudug dhacayso iyo safarkii Wasiirka arimaha gudaha Soomaliya ku yimid deegaanada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa waxay soo dhaweeyey safarkii Wasiirka arimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ku tagay Magalada Dhuusamareeb iyo dadaalada ay wado dowlada Soomaliya ee xalka loogu raadinayo qilaafka ka jira Galmudug.

Dhanka kale maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen inay doorashada Galmudug dhacayso xiligii loogu talagalay oo ah July 2019 sida uu qorayo tastuurka Galmudug ee 2015 ayna ansixiyeen ergooyinkii iskugu yimid Cadaado kadibna la marsiiyey Barlamaanka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.