Sawiro:Wasiirka Sabriye oo kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub ee Somaliya

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Fedeaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda, Khubaro Tirsan Wasaaradda ,Xubno ka Socday Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS ayaa maanta kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub ee Somaliya.

wasiir sabriye

“Waxaaan Maanta la kulanay Safiirada Midowga Yurub oo aan u balansaneen in Siyaasadda Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Kooxdii ka shaqeyneysay iyo Wasaaradda iyo Xukuumadda ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nala arkaan waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda “ayuu yiri Eng Sabriye Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday.

Wasiirka ayaa Waxaa uu kala hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Horumarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan Mamul Gobaleedyada Dalka Si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan.

midowga yurub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.