Dhageyso:Xildhibaan dad ku laayay deegaankii laga soo doortay

jijg

Xildhibaan Soomaali ah ayaa labo ruux ku dilay degmadda Jarati ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Shaafi Diiriye Shaafi.

Labada marxuum iyo xildhibaanka ayaa la sheegay in ay isku haysteen dhul beereed.

Dacwad isqabqabsigan la xiriirta ayaa taalla maxkamadda degmadda Jarati, sida uu gudmoomiyuhu sheegay.

Xildhibaan Bashiir Diiriye Camey iyo labo qof oo la socotay oo midkood uu darawal ka ahaa bajaajtii waday ayaa xabsi la dhigay waxaana socda baaritaan.

“Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi.

Markii ay dhacday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ayay dadkii soo rogaal celiyeen oo sheegteen dhulkoodii ayuu intaas ku sii daray.

Dhibaatada dhulka ayaa ka taagan meelo badan oo ka mid ah Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya balse waxaa naadir ah in xilbaan uu dad u laayo dhul ay isku qabsadeen.

Xildhibaankan ayaa la sheegay in uu haystay biskoolad iyo qori u sharciyaysnaa.

xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.