Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka

Waxaa maanta lagu wadaa in uu sirasmi ah uu u furmo kalfadhigii Shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliy,si ay u dardargeliyaan howlaha horyaala.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in uu sirasmi ah uu u furo kalfadhiga 5-aad ee Golaha shacabka,kadib markii ay ka soo laabteen xildhibaanadu fasax ay kujireen kaasi oo dhamaaday.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda furitaanka ayaa haartan ka socota xarunta dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Golaha Shacabk Ibraahim Guudle Isxaaq oo goobtaasi ku sugan.

Ammaanka ayaa waxaa siweyn u adkeynaya Ciidamada nabadgelyada.

Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala ajandayaal dhowr ah,kuwaasi oo muhiim u ah dalka,waxaana lafilayaa in ay dardargeliyaan meel marinta shuruucda hortaala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.