Ciidamada Amniga oo soo xiray Sarkaal ka tirsan Argagixisada Alshabaab.

shabab

Howlgal qorshaysan oo Ciidamadu ka fuliyeen Gobalka shabeelaha hoose ayaa lagu soo xiray horjoogahaan oo ka mid ah dhagarqabayaasha u taagan daadinta dhiiga shacabka.

Howlgalka oo dhacay habeenimadii 26- march ee Bishan ayaa ka dhacay deegaanka jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay dhagar qabuhu.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka hawlgalka lagu qabtay horjoogahaan.

Waa talaabo kale oo loo qaaday dhanka baadbaadada shacabka laguna kala dhantaalayo dambiilayaasha argagixisada ah ee ku mashquulsan waxyeelada Shacabka soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.