class="post-template-default single single-post postid-55027 single-format-standard">
Gedo Times

Akhriso:Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q3

ibraahim

Qormadi inoo danbaysay waxay ku saabsanayd amniga. Laakiin waxay inaga soo dhexgashay qodobbo arrimaha bulshada ahaa oo inoo socday. Waxbarshada ayaan si kooban ooga hadalnay. Iskoollada maadiga lagu barto iyo goobaha diinta loo diraaseeyaba inay buuxaan ayaan soo sheegnay. Waxaan ka daba gaynayaa in goobaha diinta lagu barto ay aad u ballaaranayaan. Tusaale, waxaa soo socda qorsha ballaarinta machadka Imuumu Dahabi ee Garbahaareey oo dhawaan inuu bilowdo la filayo. Haddii lagu guulaysto waxa uu qorshuhu yahay in la dhiso dhismo dabaq ah oo mati galin karo kun arday ka badan hal mar.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in masjikd jaamica ee Garbahaareey gabi ahaanba dhulka la dhigo si loo waasicyo. Masjidku waa udub dhexaadka aqoonta islaamka ee gobalka. Waa meesha ay fadhido xerta kunka ku dhow ee kutubta raacato. Waa meesha salaadda jumacaad sidoo kale lagu oogo. Haddaa waa uu qaadi la’yahay baahiyahaas, waxaana u ilmaynayaa ballaarin taasoo howsheedi lagu jiro.
Caafimaadka ayaa ah meelaha dad badan ciil qabaan inay wax ka ogaadaan. Gobalku guud ahaan aad ayuu ugu hooseeyaa adeegyada caafimaadka. Magaalooyinka waaweyn sida Baladxaawo xataa ka heli maysid adeeg tayo leh oo aad lacagtaada ku iibsato. Garbahaareey iyadu wayba ka daran tahay. Isbitaalka wali waxaa gacanta ku hayso hay’ad shaqo fiican qabato. Laakiin adeegyada ay bixiso waa kuwa aasaasiga ah oo waliba kooban.
Xanuunnada karoonigga ah ee wayeelku la noonyahay sida sonkorta iyo dhiig-karku xisaabta uguma jirto hayadda gacanta ku hayso isbitaalka waloo xanuunnadaan ay yihiin kuwa ugu daran ee dunida dhibka ku hayo. Sidoo kale cudurrada beerka ku dhaca sida cagaarshowga oo iyguna ah kuwo si ba’an u jira ayaanba la is waydiin in loo baahanyahay. Nin igu yiri xanuunkaas ayaan qabaa, marki ay noqotay in laga tallaalo xaasikiisa waxaa lagu qasbanaaday in uu Xamar u doonto oo tallaalka Habitaatis Bii magaciisuba dadku ma maqal in loo baahanyahayna maba oga.
Kuwaas waxaa ka daran dadkuna u wada baahanyahay saqiir iyo kabiir haddana meelna aadan ka halayn waa dhaqtarka ilkaha. Garbahareey adoo joogo haddii ilig lagaa qabto waxay u badantahay inaad safar u gesho inaad iska saarto. Sidoo kale guud ahaan gobalku ma leh dhaqtar indhaha iyo meel ookiyaalaha arag-badiyaha ah laga iibsado. Haddii aad xirato ookiyaalo oo uu kaa jabo adoo Gedo joogo waa Xamar ama meel ka fog diyaarad u raac.
Intaas oo dhan waxaa kasii daran oo niyad-jab kugu ridayo waa in cid rabtaa inay barataba aysan jirin. caruuraha iskoollada dhigto ee raba inay aqoonsare gaaraan kuma jirto waxay doonayaa inay bartaan ilkaha iyo indhaha. Malaha waxay u arkaa shaqo saanac (oday ree baadiye ah oo aan iskool u galin ilko bixinta). Mar aan isku dayay inaan ogaado sababta loo furan waayay dhaqtar-indho waxaa la igu yiri dadkuba ma fahamsana inay baahi u qabaan oo iyagoo ay dhib ku tahay arkidda shaaxida kitaabka uu akhristo ayuu isu qabaa inuu fiicanyahay. Qaar badan waxayba aaminsanyihiin ookiyaalaha inta aad aragto ayuu kasii ridi.
Si kastaba ha ahaatee, dhinac waxaa jiro aan is iri waa la hagaajiyay. Waa dhalmada hooyada. Isbitaalka Jaalle Siyaad oo hadda xarun u ah caafimaadka dagmada oo dhan wuxuu soo kordhiyay adeeg fiican oo umuliso. Waa laga raystay Mandera iyo gabar ayaa dhex ku go’day iyadoo lala sii cararayo. Umulisadu waxay shaqaysaa 24 saac. Saacad walba oo gabari fool qabato isbitaalka waa la keeni karaa.
Gaari ayaa jiro u shaqeeyo soo qaadidda qofki si kale lagu keeni waayo. Magaalada oo habaynki aan loo ogolayn gaari socdo midka bukaanka qaado fasax ayuu qabaa. Hadii hooyadu fooshu ku dheeraato oo ay muuqato inay qatar ku jirto, waxaa joogo dhaqtar qalo oo si sahal ah ilamaha ooga soo saaro hadduu Eebbe yasiro. Dhabtii adeeggaan waa mid dagmadu baahi weyn ay u qabtay. Waxay ahayd iin ku taallay bahda caafimaadka ee Garbahareey. Waxay sidoo kale ahayd mid keento dhimasho laga maarmi karay. Hadda baahidaas jidbaa u baxay laakiin sii xoojin iyo horumarin waa u baahanyahay.
So kooban gobalku caafimaadkiisu waa ka hooseeyaa sidii la rabay. Dhaqaatiir u dhalatay oo goobo ganacsi ka furto waa ay yaryihiin. Baahiyaha caafimaadka ee la qabo dadka qabo ma fahamsana. Hay’adaha adeegyada caafimaadka gacanta ku hayo maahan aad ugu hagarbaxo caawinta dad weynaha, lagana yaabo in aysan hagar jirine dhibku yahay miisaaniyad yaraan.
La soco qaybta xigta oo aan ku eegi doono isboortiska iyo dhalinyarada. Waxaa sidoo kale xigi doona haddu Eebbe idmo meelaha aan dhaliilay ee daldaloollada leh.

Ibrahim Aden Shireishire86@gmail.comkala soco https://ibrahim-shire.blogspot.com/?_sm_au_=iVV053f1ZT7sdPVQ

ReplyReply allForward

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.