Daawo:Askari Daryeel la’aan Isbitaal ugu jira oo codsi udirsday Dowlada iyo shacabka Somaliyeed

taat

Dhibane katirsan xooga dalka Qeybta 43xaad guutada10aad ururka 49aad ee kusugan dagmada baardhere Oo katirsan gobolka Gedo Ahmed Abdullahi Taar ayaa dhawaac soo gaaray waxuu isbitaal ugu jiraa mudo 3 sano ah waxuuna ubaahan yahay inuu helo dhaqtar wax kaqabta Caafimaadkiisa.

Dhibane Xooga Dalka Cabdulaahi Taar ayaa waxu u codsi udiray Dowlada Soomaliya oo ugu horeeyo Madaxwaynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisalwasaare xasan Cali Khayre, Wasaraadaha Gaashaandhiga, Caafimaadka, Baarlamaanka Soomaliya iyo Shacabka Soomaliyeed inay wax ka qabtaan dhaawac soo gaaray lana geeyo Isbitaal wax kaqabto Dhaawiciisa , Fadlan Kala Xariira Tel:-00971568493255

dhibane Xooga dalka Cabdulaahi Taar ayaa suugaan ku cabiray dhibkiisa waxuu yiri.

Somaaliyeey calankiyo dalkan udhintay Dhiigeygaa ciida kudaatay Ala ciil badanaa calanyahow cidlaa agtaada igu dishay Anoo dhibanoo xanunsan dhinacna anan isu gadin Karin Dhuntana tuba iiga jirta Dhibkii hore dhibaa igu darmay Dhaawac baa igu galay sariirta Xoogii dalkan ahay difaacii dalkan ahay Dhibkii shalay isoo gaaray Cidna iigama dhiidhin Dowlad dhan oo dhisan dhamaan dunida laga yaqaano Dhiigeygii dhulka kudatay marna iigama garaabin dadkeygii waa inaceenoo duur cidley iiga tageen daryeel aan lahen ilahow daa imow dawa caafimaad isii Mururagada ilmada maalmihii darnaa ee adunyada meel adan ka arken walaal aabo iyo hooyo Mid an macna laheyn damiir io dhiig laheyn Maku yiri walalka ban ahay misna duur makaga tagay An soo gaabsha hadalkee Iyo nuxurka maansada Garab waayayeey Gacal waayayeey Goormeen kabixi Dayacaan ihelay Dadna an lahayn Goormeen kabixi Madax lasoo doortay Aankuu diirnaxeyn Goormeen kabixi Xilibaano kumatalo xilkooda an gudan Goormeen kabixi Dad kula dhashay aanku dabiibi Karin Goormeen kabixi Taliyayaal magacaaban Waxtar aan laheyn Goormeen kabixi Dowlad afmacaan aan kadhabeynin goormeen kabixi Ilaahow daa imow Adaa deeq io darajaba baxshee Dawa cafimaad isii Aaaaamin aaaamiiin aaaamiiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.