Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka.

beesha

Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub,
Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya
Xasan Cali khayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha Dowladda ee lagu
horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fulineyso dib-u-habeynta
hay’adaha amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan
howshaan ku taageeri doonno. Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa
kulamada arrimaha Soomaliya ee shirka World Bank-International Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington.

Sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dib-u-habeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan.

Bah wadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan dib-u-habeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.