Akhriso:Muwaadin Soomaliyeed oo Axmed madoobe dhibaatayey ayaa fariin Udiray Madaxda Dalka

axmedmadoobe

Fadlan fariintaan waa codsi ha gaarto garsoorka dalka iyo Madaxda ugu sareyso dowlada faderalka somalia.

Dalku hadii uu cadaalad rabo iyo sinaanta Xaquuqda Muwadiniinta Soomaaliyeed Ahmed Madoobe waa danbiile Qaran oo ku xadgudbay xaquuq muwadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiro dad uu laayey oo aan ifka maanta joogin dad jirdil la cuuryaamay oo aan kismaayo dhaafi karin dad uu jirdil xun u gaystay kadibna uu kismaayo ka tarxiilay dad hanti iyo maal waxay lahaayeen uu ka dhacay dad caburin iyo hanjabaad uu ku hayo iyo dad wali xabsiyada uga buuxo sharci darro

Anigu waxaan ka mid ahay muwadiniinta soomaaliyeed ee ahmed madoobe jirdilka u gaystay waxaana isaga haajiray kismaayo anigoo waayey cadaalad noo kala garqaado aniga iyo ahmed madoobe waxaa ila mid ah muwaadiniim badan oo aan kismaayo cag saari karin inagoo badan ayaa waxaan ka irdhownay qoysaskeeni waalidkeena iyo qaraabadeen.

Hadii dalkeenu cadaalad iyo sinaanta muwaadiniinta ka hagaago qof kasta xaq wuxuu u leeyahay in uu difaaco dowladiisa lkn inta ay cadaalad darradu jirto danbiiluhuna yahay kan ixtiraamka leh jiri maayo qof xaqiisa oo maqan difaacayo dowlada duudsiisay xaqiisa.

Wali sharaf ayaan u haynaa dalkeena maadaama rajada aan qabno yahay in aan heli doono.cadaalad dhalinyaro waxa aan nahay lagu dulmiyey dalkooda islamarkaana lagu qasbay inay ka haajiraan wadankooda.

Codsigaan waxaa soo gudbiyey anigoo ah Saabir Abdulkadir Warsame dhaliyaro aqoonyahano salaadiin iyo dhibanayaal qaar wali maxbuus u yihiin oo uu xaquuqdooda ku xadgudbay ahmed madoobe dowlada ayaan ka codsanaynaa inay noo gayso tiirka cadaalada si aan u sinaano.

Fadlan Share gareeya

saabir
Saabir Cabdiqaadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.