Somaliyq iyo Maaar oo heshiis xaga caafimaadka ah kala saxiixday

Waaiir

Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda  dalalka Soomaaliya iyo Masar si loo sii horumariyo cilaaqaadka labada dal gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh.

Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid  ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho  khubaro ah ku takhasxusay dhanka caafimaadkaka kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa ka hadlay faa’idada heshiiskaasi ay wasaaradaha Caafimaadka labada dal Soomaaliya iyo Masar ku kala saxiixdeen magaalada Qaahira kuna saabsan dhanka iskaashiga caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.