Wasiir Cawad oo booqasho Shaqo ku jooga dalka Marooco

wasiir

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya md: Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  booqosho rasmi ah ku tagay dalka marooco, Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa  wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooco, waxay wadahadallo laba geesood ah  la yeelan doonaan masuuliyiinta kala duwan dalkaasi ka tirsan.

Wasiirka arimaha dibadda ee Marooco Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan  leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.