Ururka RJA oo ka horyimid Gudiga Doorashada Jubbaland

yuusf

DHAQDHAQAAQA RJA MA AQOONSANA GUDIGA LAGU SHEEGATEY XUDUUDAHA IYO DOORASHOOYINKA JUBALAND:

Annagoo tixraacayna mabaadi’da asaasiga ah ee dhaqdhaqaaqa RJA iyo aragtida aanu ka aaminsanahay dhismaha gudiga, sida; qaabka iyo shuruudaha xubnaha gudiga lagu soo xulayo, astaamaha iyo muuqaalka uu yeelanayo gudiga (XIDJ).

Annagoo ka duuleyna ka dhabeynta yoolka iyo higsiga doorashooyin dimoqaraadiyada ah, bulshada raali ka tahay, si daahfuranna uga dhacda Jubaland.

Waxaan qoraalkani ku cadeyneynaa in RJA ayan aqoonsaneen gudiga uu hogaamiyaha Jubaland magacabey maanta ee ka kooban 7da xubnood (eeg lifaaqa), sababaha hoos ku qoran awgood.

1- Gudigani ma aha mid ku yimid wadatashi iyo isafgarad dhinacyada aay sida gaarka ah u khuseyso doorashada, ma aha gudi madaxbanaan oo dhexdhexaad ah, mana waafaqsana dastuurka u degdan maamul goboleedka Jubaland iyo kan federaalka labadaba.

2- Sida xogta aanu hayno sheegeyso, xubno ka mid ah gudigan waa kuwo hore uga tirsanaa Al-shabaab, u geystey shacabka gaboodfalyo, welina lagu tuhunsanyahay in aay si toos ah ula shaqeeyaan. Halka kuwana yihiin hoosjoogayaal iyo xigto ku laran hogaamiyaha maamulka Jubaland, Axmed Madoobe.

Danta keliya ee uu Axmed Madoobe ka leeyahay in gudiga doorashada Jubaland suuraddaa foosha xun yeesho, waxaa weeye in muran uu geliyo gebi ahaan hannaanka doorashada Jubaland, si ayan doorashada u dhicin waqtigii loogu talagaley.

Shaki kuma jiro in kalitalisnimada caynkan ah iyo ku tumsshada axdiga Jubaland abuuridoono xasiloonidarro iyo qulquladtooyin hor leh oo dhanka siyaasada ah iyo mid dhanka amniga ah oo ka curata Jubaland.

Gebagebadii dhaqdhaqaaqa RJA waxuu cod dheer ku cambaareynayaa tallaabada qar iska xoorka ah iyo hagardaamada joogtada ah ee hogaamiyaha Jubaland ku marin habaabinayo rajada shacabka isbedelka iyo dimoqoraadiyada u ooman.

Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.