class="post-template-default single single-post postid-54870 single-format-standard">
Gedo Times

Sawiro:Madaxda Qaranka oo ka qayb galay salaada janaasada wasiir xigeenkii shaqada iyo arrimaha bulshad

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

farmaajo

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya,  wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Dhammaan Madaxadii ka soo qeyb gashey aaska marxuun Xildhiban Saqar Ibrahim ayaa u duceeyey  marxuumka waxaan Alle looga bariyey in janadii fardowsa ka warabiyo.

farmaajo

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku-xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.